| Intro | Somali politician |
| Is | Politician |
| From | Somalia |
| Type | Politics |
| Gender | female |
| Birth |
23 December 1956 |
| Age | 64 years |
| Star sign | Capricorn |
HORUDHAC: XALIIMO ISMAACIIL IBRAAHIMBig text
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (English: Halima Ismail
Ibrahim) oo ku magac dheer “Xaliimo Yareey”
waa Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan
ee doorashooyinka qaran. Waa gabadhii ugu
horreysay ee xilkaas qabata taariikhda Soomaaliya.
Horay waxa ay u aheyd guddoomiyaha guddiga
farsamada ee dhismaha maamul goboleedka
Galmudug, iyada oo sidoo kale noqotay La-
guddoomiyaha guddiga farsamada ee xulitaanka
baarlamaanka federaalka ah doorashadii 2012ka.
Waxa hooyo dhashay saddex carruur ah oo
saygeeda Injineer Cabdulaahi Ismaaciil Cashuur
lagu dilay magaalada Muqdisho 18ka Nofeembar,
2014kii. Cashuur wuxuu la shaqeeyay wasaarada
arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir,
wuxuuna kaalin weyn ku lahaa dhismaha jidadka
iyo bulaacadaha magaalada Muqdisho.
BILOWGII NOLOSHEEDABig text
Xaliimo Ismaaciil waxa ay 23kii Diseembar 1956dii
ku dhalatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan
isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Martiini ee
uu dhisay gumeystihii Talyaaniga 1912kii. Waxa ay
ku barbaartay xaafada isku-raranka ee degmada
Xamaweyne. Waxa ay ku kortay guriga abtigeed
oo shaqaale ka ahaa wasaarada caafimaadka ee
Soomaaliya maadaama hooyadeed iyo aabbeheed
ay kala tageen iyada oo uurka lagu sido.
WAXBARASHADA
Waxa ay waxbarashada dugsiga hoose ku qaadatay
qaadatay dugsiga xanaanada oo la dhehi jiray Finta
Kuwaataro Maajo Intii u dhaxeysay 1965-1966.
Dowladdii Kacaanka ayaa mar dambe dugsigaas
ugu magacdaray Xaaji Barsane. Shiikh Xasan
Xaaji Barsane wuxuu ahaa halgamaa la dagaalay
ciidamada gumeysiga Talyaaniga islamarkaasna
ka hortagay iskuday boqortooyada Itoobiya
ku doonaynaysay inay ku qabsato xuduudka
Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.
Waxa ay 1967-1968 waxbarashada dugsiga dhexe
ku qaadatay dugsiga Media Centrale (Mardambe
ayaa magaca laga badelay oo loo bixiyay dugsiga
Bartamaha). Waxa ay ka qalinjabisay dugsiga saree e
Raage Ugaas sanadkii 1967.
Xaliimo waxa ay shahaadada koowaad ee
jaamacada ku qaadatay cilmiga beeraha iyada oo ka
qalinjebisay Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed
sanadkii 1981dii. Waxa ay kadib heshay deeq
waxbarasho oo dalka Talyaaniga ah, waxa
ayna jaamacada shahaadada heerka labaad ee
jaamacada (Master’s degree) ee cilmiga dhaqaalaha
iyo beeraha ka qaadatay jaamacada Turino sanadkii
1983dii.
XIRFAD SHAQO:Big text
Waxa ay Xaliimo Soomaaliya dib ugu soo
noqotay isla sanadka 1983dii kadib markii ay soo
dhamaysatay waxbarashada ay dalka Talyaaniga
u joogtay. Shaqadeedii ugu horreysay waxa ay ka
bilowday Jaamacada Ummada oo ay ka noqotay
kaaliye bare (assistant lecture). Saddex sano
kadib ayay noqotay bare buuxa oo jaamacada
ka tirsan iyada oo dhigi jirtay cilmiga beeraha iyo
dhaqaalaha. Waxa ay shaqadaas haysay ilaa iyo
jaamacada ka xirantay 1991 markaas oo dowladdii
keliteliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre la riday.
Inta ay jaamacada ka shaqeynaysay Xaliimo
waxa ay qabatay shaqooyin dhowr ah oo
mutadawacnimo ah. Shaqooyinkaas waxaa ka
mid ah mashruucii weynaa ee bacaad-celinta
Shalaanbood ee gobolka Shabeelada Hoose,
kaas oo ku guuleystay inuu joojiyo bacaadkii ku
sii durkayey waddooyinka isku xira Muqdisho iyo
jubbooyinka. Waxa ay Xaliimo sidoo kale ka mid
ahayd dhallinyaradii ka qeyb-qaadatay olalaha
barashada afsoomaaliga ee loo diray dhulka miyiga
ah si ay dadka reer guuraaga ah usoo baraan
qoraalka afsoomaaliga oo la hirgeliyay 1973dii.
Waxa ay sidoo kale la shaqeysay Waaxda Bulshada
iyo Horumarinta dadka ee xibsigii talada hayay ee
Hantiwadaaga Soomaaliyeed.
Waxa ay 1992 ka mid noqotay howlwadeennada
Soomaalida ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (United Nations Operations in
Somalia; UNOSOM). Waxa ay ahayd sarkaalka
howlgalka ku qaabilsan arrimaha siyaasada.
Waxa ay si gaar ah uga shaqeysay arrimaha dib-
u-heshiisiinta iyo dhismaha goleyaasha heer
gobol iyo degmo, howlahaas oo si gaar ah loogu
dhiirogelinayay islamarkaasna qor loogu qaadayay
kaalinta haweenka ee hoggaaminta siyaasadeed
iyo talo ku-yeelashada go’aamada maamulka.
Mudada ay la shaqeynaysay UNOSOM waxa ay isu
keentay haween Soomaaliyeed oo hoggaamiyeyaal
ah kuwaas oo ka kala yimid gobolada dalka
oo dhan si ay ugu yeeshaan cod mideysan iyo
kaalin xoog leh oo muuqata dedaalada dib-u-
heshiisiinta kooxaha siyaasada. Sidoo kale waxa ay
Xaliimo xubin ka ahayd guddiga ka shaqaynayay
heshiisiinta hoggaamiyeyaasha Cali Mahdi
Mohamed iyo Janaraal Maxamed Faarax Caydiid
oo ku dagaalamayay islamarkaasna qad cagaaran
kala dhex dhigay magaalada. Xaliimo waxa ay
isaga tagtay Soomaaliya sanadkii 1996dii markaas
oo ay Qaramada Midoobay joojisay howlgalka
UNOSOM, isagana baxday Soomaaliya iyada oo ay
dagaaladuna sii kordhayeen. Waxa ay u guurtay
dalka Mareykanka oo ay ku nooleyd ilaa 2007dii.
Bulshada rayidka/Siyaasad
Xaliimo Ismaaciil waxa ay xubin ka ahayd ururada
bulshada rayidka wixii ka dambeeyay markii
dowladda militariga ay dhacday. Waxa ay ka mid
ahayd koox haween ah oo ay hoggaamineysay
Xaliimo Cabdi Caruush oo aasaasay ururka IIDA
bishii May sanadka 1991. Ururka wuxuu ka
shaqeeyaa horumarinta danaha iyo xirfadaha
haweenka Soomaaliyeed, nabadiinta iyo heshiisiinta
bulshada, difaacida iyo u doodida xaquuqda
aadanaha iyo dhiirogelinta ka qeybgalka haweenka
ee arrimaha siyaasada, dib u heshiisiinta qaran, dib-
u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Waxa ay 1995 hogaaminaysay koox haweenka
Soomaaliyeed ah ee ka qeybgalay shirwaynihii
Aayaha Haweenka ee dalka Shiinaha. Wixii markaa
ka dambeeyay waxa ay u guurtay dalka Mareykanka
maadaama ay sii kordheen dagaalada iyo colaadaha
sokeeye. Waxa ay Soomaaliya dib ugu soo noqotay
2007dii, iyada oo noqotay xiriiriyaha howlaha
ururka IIDA. Waxa ay maamushay mashaariicda
IIDA ee dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo
xaquuqda haweenka ee isla gobolkaas.
Waxa 2011dii Xaliimo loo doortay inay noqoto
guddoomiyaha Isbaheysiga Ururada Bulshada
Rayidka oo ujeedka loo dhisay uu ahaa in la
mideeyo codka iyo awooda, iyo dedaalka ururada
bulshada ee ku aadan in Soomaaliya ay ka baxdo
dowladnimada ku-meel-gaarka ah oo ay yeelato
dowlad joogta oo aan qabyo ahayn.
Xaliimo waxa ay 2012kii La-guddoomiye ka noqotay
Guddiga Farsamada ee u xilsaarnaa hubinta iyo
soo-xulida xubnaha baarlamaanka federaalka ah
ee dowladda Soomaaliya. Waxa uu guddigaas ku
guuleystay dhismaha baarlamaankii ugu horreeyay
ee lagu doorto gudaha Soomaaliya wixii ka
dambeeyay markii ay dhacday dowladdii militiriga
aheyd 1991. Wuxuu baarlamaankaas sees u noqday
dhismaha dowlad buuxda oo ay Soomaaliya
yeelato taas oo heshay aqoonsi caalami ah. Waxaa
dowladaas madaxweyne ka ahaa mudane Xasan
Shiikh Maxamuud.
Xaliimo iyo koox kale oo haween ah ayaa Juun
2014kii aasaasay Ururka Hoggaanka Haweenka
Soomaaliyeed (SWLI) oo kala shaqeeya haweenka
Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah si loo
taageero kaalinta haweenka dhanka siyaasadda iyo
howlaha kale.
Xaliimo waxa ay sidoo kale noqotay guddoomiyaha
guddiga farsamada ee shirka maamul u sameynta
gobolada dhexe. Guddiga ayaa sidoo kale
maamulayay soo xulida ergooyinka doortay
xildhibaanada Galmudug, iyaga oo sidoo kale
maamulay doorashada madaxweynaha iyo
madaxweyne xigeenka maamul goboleedkaas.
Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa
6 Luulyo, 2015ka ansixiyay guddiga madaxa
banaan ee doorashooyinka qaran oo ka kooban 11
xubnood. Guddiga waxaa horey usoo magacaabay
wasaarada arrimaha gudaha ee dowladda
federaalka ah ee Soomaaliya. Isla 25kii Bishaas
ayay xubnaha guddiga u doortay in Xaliimo
Ismaaciil Ibraahim noqoto guddoomiyaha guddiga
doorashooyinka qaran.
Waxa uu guddiga u xilsaaran yahay in uu
Soomaaliya gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah
sanadka 2020ka. Waxaa loo arkaa Xaliimo Ismaaciil
inay tahay gabadha ugu awooda badan xilligan
dhanka siyaasada, waana gabadhii ugu horreysay
ee guddoomiye u noqota guddiga.